grass, lawn, field

Gobolka Sanaag, oo ka mid ah gobollada ugu ballaaran uguna hodansan Soomaaliya, waxaa uu had iyo jeer ka qeyb galaa tartamadda maamul goboleedka puntland ee kubadda cagta. Si kastaba ha ahaatee, xulka gobolka ayaa muddo dheer la kulmay fashil joogto ah oo dhinaca tartamadaas ah. 

Maqaalkan, waxaan si qoto dheer u falanqeyn doonnaa sababaha keena fashilka, raadeynta bulshada, iyo tallooyin ku wajahan siddii xaaladda loo hagaajin lahaa oo loo soo hoyn lahaa guulo wax ku ool dockasta.

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee fashilka xulka gobolka Sanaag waa maamul xumo baahsan iyo khilaafyo gudaha ah. Xiriirka maamul ee kooxda kubadda cagta iyo maamulka guud ee isboortiga gobolka ayaa inta badan ku saleysan danno shaqsiyeed halkii uu ka ahaan lahaa mid guud.

  • Ciyaartoyda ayaa mararka qaar loo xulan waayaa xirfaddooda darteed balse lagu xulanayaa qaraabonimo ama xiriir hoose.
  • Maamulka kooxda waxa uu awoodi waayaa in uu si isku mid ah u mideeyo ciyaartoyda, taas oo keenta in xulka uusan isku xirnaansho iyo is-aamin ku shaqeynin.

Tallo: Waxaa muhiim ah in la sameeyo isbeddel dhanka maamulka ah, oo ah mid hufan, cadaalad ku dhisan, islamarkaana ku shaqeeya danaha guud ee gobolka.

Ciyaartoyda gobolka Sanaag badankood waxaa haysta dareen kalsooni darro ah, taas oo salka ku haysa hab-dhaqanka maamulka iyo taageero la’aanta ka timaadda bulshada iyo tababarayaasha. Xiriir la’aanta aanan wanaagsaneen ee u dhaxeysa ciyaartoyda iyo maamulka ayaa sidoo kale xoojisa dareenkan.

  • Ciyaartoyda qaar ayaa dareema in la ga eexanayo ama heyb ahaan lagu takooraya, taasina waxay niyad-jab ku keenta waxqabadkooda iyo hankooda ay ka leeyihiin metelaada xulka.
  • Waxa kale oo aad u gurracan in la aamini waayo laacibiinta ku dhashey ku na barbaarey gobolka sanaag, isla markaasna ku hubeysan xirfad iyo hibo kubadeed, se laga doorbido in la safo ciyaaryahanno gobollo kale. Falkani waxaa uu tilmaamaya sumcadda darro iyo muujin liidasho!

Tallo: Waxaa cuddoon in ciyaartoyda loo abuuro jawi ay ku helaan kalsooni buuxda, islamarkaasna la dareensiiyo in xirfaddooda iyo kartidooda ay ku meelmari karaan. 

Maamulka waa in uu yegleela hannaan cad oo furan oo ciyaartoyda lagu xullo si looga fogaado simbiririxashada.

Xulka gobolka Sanaag ma heysto tababarayaal xirfad leh iyo agabka lagama maarmaanka u ah horumarinta ciyaartoyda— Tani waxay sabab u tahay dhaqaalaha oo aad u yar iyo la’aanta maalgelin ku filan.

  • Ciyaartoyda ma helaan tababar joogto ah oo tayadooda sare u qaada, sidaa awgeed, waxaa ka dhalanaysa in aysan sinnaba isu la qabsan kolkey garoonka ku jiraan..
  • Qalab la’aantu waxay horseedeysa in ciyaartoydu aysan awoodin in ay ku beddertamaan si la mid ah kooxaha kale ee gobollada puntlanda.

Tallo: Waxa lama huraan ah in la abuuro barnaamijyo taageera ciyaartoyda da’da yar, isla markaana si joogto ah loogu helo qalab iyo tababarayaal xirfadleyaal ah.

Gobolka Sanaag waxa jirey mashaariic badan oo loo qorsheeyay in lagu dhiso garoomo casri ah, laakiin garoomadan badankood ayaa weli ku jira heer qorsheyn ama balqaad la wada naawilayo!

  • Ciyaartoyda gobolka ma helaan meel tayo leh oo ay ku tababartaan ama ku martigeliyaan tartamada waaweyn.
  • Bulshada oo aan helin garoomo waaweyn, waxay lumisaa xiisaha iyo taageerada ay siiso kooxaha isboortiga.

Tallo: Waxaa lagama maarmaan ah in la dedejiyo hirgelinta garoomada waaweyn, iyada oo la abuuro iskaashi ka dhexeeya ganacsatada maxalliga ah, dowladda, iyo hay’adaha caalamiga ah. Garoomo casri ah waxay noqon karaan isha ugu weyn ee dhiirrigelinta ciyaaraha gobolka.

Bulshada gobolka ayaa inta badan ka warwareegta taageeridda xulka gobolka, maadaama aysan u arkin mid ku filan oo matali kara gobolka. Dhaqan-dhaqaalaha hooseeya ee gobolka ayaa sidoo kale saameyn weyn ku leh horumarka guud ee isboortiga.

  • Taageerada bulshada oo hooseysa waxay dhalisaa qab jab ciyaartoyda ku yimaada.
  • Xiriirka u dhaxeeya xulka iyo bulshada oo liita ayaa keenaya kala fogaansho.

Tallo: Dib u mideynta bulshada iyo xulka gobolka waa milgo. Taageero xooggan oo laga helo bulshada, oo ay ku jiraan ganacsatada iyo dadka aqoonta leh, waxay keeni kartaa isbeddel weyn oo lawada majeerto.

kolka ay noqoto in gobolku kubad ahaan hanaqaado, waxaa ay ku habboon tahay in qorshe loo sameeyo ku dhisan fogaan arag ah, isla jeerkaasna lexo-jeclo, tudhaalle iyo dadka aqoonta u leh sport-ga lagu sunto waxqabadka xulka kubadda cagta ee Gobolka Sanaag.

Haddaba akhriste, maxaad isleedahay ayaa laga qaban karaan arrinkan? Arragtidaada qeybta faallada ku xus.

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
Scroll to Top