Sharciga deegaanka waa nidaam sharci ah oo si gaar ah diiradda u saaraya ilaalinta dabeecadda, kheyraadka dabiiciga ah, iyo caafimaadka guud ee meeraha dhulka. Waa halbeeg la ga maarmaan ah oo bini’aadamka u adeegsanayo sidii uu ula tacaali lahaa cawaaqibka taban ee ka dhasha faragelinta deegaanka dabiiciga ah ee sida gurracan loogu tagrifallo
Dhab ahaan, sharcigu wuxuu xuddun u yahay horumarka joogteysan, caafimaadka bulshada, iyo xasilloonida meerahan aynnu ku noolnahay. Si loo fahmo muhiimadda sharciga deegaanka, waa in la eego horumarkiisa, faa’iidooyinkiisa, iyo doorka caalamiga ah ee lagu badbaadinayo dhulka.
Waa Maxay Sharciga Deegaanka?
Sharciga deegaanka waa nidaam sharciyeed oo dowlado iyo hay’ado caalami ah u dejinayaan ilaalinta deegaanka iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah. Qawaaniintan waxaa loogu talagalay in lagu xakameeyo falalka waxyeellada leh ee bini’aadamku ku hayo deegaanka, sida jarista xad-dhaafka ah ee dhirta, wasakheynta biyaha iyo hawada, iyo ugaarsiga sharci-darrada ah ee duurjoogta.
Tilmaamaha ugu doorroon ee sharciga deegaanka waxaa ka mid ah:
- Ilaalinta noolaha kala duwan ee dabeecadda.
- Ka hortagga iyo maareynta sadhada (wasakhda).
- Dhiirrigelinta adeegsiga walxaha aan gudhin ee kheyraadka dabiiciga ah.
- Yaraynta saameynta isbeddelka cimilada.
Waxaa muhiim ah in la ogaado in sharciga deegaanka uu yahay mid ku xiran dhaqanka bulshooyinka, horumarka tiknoolojiyadda, iyo heerarka siyaasadeed ee waddamada.
Tariikhda iyo Kobaca Sharciga Deegaanka
Sharciga deegaanka wuxuu asal ahaan ka dhashay baahida loo qabo illaalinta kheyraadka dabiiciga ah (natural resources) si loo yareeyo wacxyeelada deegaanka ee ka dhashay kacaankii warshaddaha. Intii lagu jiray qarnigii 20aad, waxaa si weyn loo dareemay in dhaqanka xad-dhaafka ah ee hunguri weynnaatu ka muuqato ee aadamaha uu sababay dhibaatooyin hir leh, sida isbeddelka cimilada, nabaad-guurka carrada (soil erosion), iyo dabar-goynta noolaha kala duwan (biodiversity).
Libinta Sharciga Deegaanka
Sharciyada deegaanka waxay leeyihiin faa’iidooyin ballaaran oo raad ku leh arlada, dadka, iyo nidaamka dabiiciga ah (ecosystem).
1. Ilaalinta Hawada iyo Biyaha
Sharciyada lagu xakameeyo wasakheynta hawada iyo biyaha waxay lafdhabar u yahay caafimaadka bulshada iyo noolaha kale. Hawada wasakheysan waxay sababtaa cudurro halis ah siiba kansarka, halka biyaha wasakheysan ay keenaan cudurro faafa sida daacuunka.
2. Badbaadinta Noolaha Dabiiciga ah
Noolaha kala duwan ee dhulka, oo ay ku jiraan dhirta iyo duurjoogta, waxay qayb weyn ka qaataan nidaamka dabiiciga ah. Sharciyada deegaanka waxay xoojinayaan ilaalinta noocyadan iyagoo mamnuucaya ugaarsiga sharci-darrada ah iyo jarista dhirta (deforestation).
3. Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah (management of natural resources)
Kheyraadka dabiiciga ah sida biyaha, dhulka, iyo tamarta dabiiciga ah ayaa si cilmiyeysan loo maareeyaa si loo hubiyo in jiilasha dambe ay helaan xuquuqda isticmaalka kheyraadkan.
4. Ka Hortagga Masiibooyinka Dabiiciga ah (natural disasters)

Dhibaatooyinka sida abaarta, fatahaadaha, iyo dhulgariirka ayaa sii kordha haddii nidaamka dabiiciga ah la waxyeelleeyo. Sharciga deegaanka wuxuu ka hortagaa masiibooyinkaas iyada oo la daryeelayo kheyraadka ama bulshada looga sii digayo xaaladaha kakan ee ku soo wajahan haddii ay qaadaan falal ka dhan ah arrimaha deegaanka.
Xeerarka Sharciyada Deegaanka:
- Sharciga Hawada Nadiifka ah (Clean Air Act) (1970): Xeerkan wuxuu diiradda saaraya xaddididda wasakheynta hawada—iyadoo la xakameynayo sii deynta wasakhda ka timaadda illo warshadeed iyo baabuurta. Waxa uu amrayaa hay’adda ilaalinta deegaanka (EPA) in ay dejiso heerarka tayada hawada si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo deegaanka.
- Sharciga Biyaha Nadiifka ah (Clean Water Act, 1972): Xeerkan wuxuu ujeedkiisu yahay in la yareeyi wasakheynta biyaha, isagoo faraya warshadaha in ay maareeyaan biyo sadheysan oo aan ka badnayn xadkii la oggol yahay.
- Sharciga Noocyada Khatar ku Jira (Endangered Species Act, 1973): Sharcigan wuxuu u diyaariyey ilaalinta noocyada xayawaanka iyo dhirta ee khatar ku jira in la baabi’iyo. Waxa uu farayaa ilaalinta deegaannada ay ku nool yihiin noocyadaas iyo xakameynta hawlgallada wax u dhimaya badbaadadooda.
- Sharciga Ilaalinta iyo Soo Celinta Kheyraadka (Resource Conservation and Recovery Act) (RCRA, 1976): Xeerkan waxa xoogga saarayaa maaraynta qashinka halista ah laga bilaabo marka la soo saaro ilaa inta la tuuro. Sharcigan wuxuu ka hortagayaa tuurista sharci-darrada ah ee agabka halista ah wuxuuna soo rogaa dhaqannada dhimista qashinka.
- Sharciga Qiimeynta Saameynta Deegaanka (National Environmental Policy Act) (NEPA, 1970): Xeerkan wuxuu waajibinayaa in hay’adaha federaalka ay qiimeeyaan saameynta deegaanka ee mashruuc kasta ama sharci weyn oo la hirgelinayo ka hor inta aan la dhaqan gelin. Tani waxay xaqiijineysaa horumar la mahadiyo iyo xadididda saameynta taban ee deegaanka.
- Sharciga Ilaalinta Noolaha qarka u saaran in la waayo (Endangered Species Act) (1973): Xeerkan wuxuu si gaar ah ugu tallagalay ilaalinta noocyada xayawaanka iyo dhirta ee ku jira halis ah in ay dabar go’aan. Waxa uu xakameynayaa falalka bahalnimada ah ee la gula kaco, iyo sidoo kale ilaalinta deegaanadooda, isla markaasna waxa uu leeyahay qawaaniin khuseeya dhoofinta ama ganacsiga noocyada khatarta ah ugu jiro in ay abaadaan.
- Sharciga Walxaha Sunta ah (Toxic Substances Control Act, 1976):Xeerkan wuxuu diiradda saaraya xakameynta iyo maaraynta kiimikooyinka sunta ah ee lagu isticmaalo warshadaha. Waxa uu dowladwalbba u oggolaanayaa in ay la socoto isticmaalka iyo dhoofinta kiimikooyinka halista ah, iyo in ay ka hortagto halista caafimaad ee ka dhallan karta.
- Sharciga Ilaalinta Biyaha (Safe Drinking Water Act) (1974): Sharcigan wuxuu go’aamiyaa heerarka tayada biyaha la cabbo— si loo hubiyo in dadka helaan biyo nadiif ah oo aan ku jirin waxyaabo caafimaad darro ah. Waxaa sidoo kale lagu xakameynayaa hababka lagu daweynayo biyaha iyo xaddidaadda isticmaalka kiimikooyinka la xiriira biyaha la cabbo.
- Sharciga Maareynta iyo Dhaqaalaha Tamarta (Energy Policy Act) (2005): Xeerkan wuxuu dhiirrigelinayaa isticmaalka tamarta nadiifka ah, sida tamarta qoraxda iyo dabaysha, wuxuuna ka hortagaa isticmaalka tamarta wasakhda leh sida fosil. Waxa uu sidoo kale ku dadaalayaa in la yareeyo isticmaalka tamarta iyo ka faa’ideysiga kheyraadka tamarta waarta ee saaxiibtinimo leh deegaanka.
- Sharciga Maaraynta Dhulka (Land Use and Planning Regulations): Xeerarkan ayaa isna tilmaamaya in dhulka loo maareeyo si waafaqsan bed qabka deegaanka. Waxa ay ka mid yihiin qorsheyaal iyo siyaasado lagu xakameynayo dhul-beereedyada, dhismayaasha magaalooyinka, iyo illaha kheyraadka dabiiciga ah si looga hortago xaalufka dhulka iyo kheyraadka.
Doorka Caalamiga ah ee Sharciga Deegaanka:

Sharciga deegaanka ee dalwalbaa ayaa ah mid kaalin weyn ka geysan iskaashiga caalamiga ah. Iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka waxaa uu si toos ah ugu lug leeyahay heshiisyo iyo qawaaniin caalami ah oo la gu illaaliyo u tudhidda carro-edegteenna.
- Heshiiska Kyoto (1997): Heshiiskan wuxuu ahaa dadaal caalami ah oo looga hortagayo isbeddelka cimilada, waxaana dowlado badan ku heshiiyeen in la yareeyo qiiqa kaarboon-di-oksaydhka. Inkastoo heshiiska Kyoto aanu si buuxda uga dhicin, haddana wuxuu ahaa tallaabo weyn oo looga hortagayey wasakheynta hawada.
- Heshiiska Paris (2015): Heshiiskani wuxuu ahaa mid si gaar ah u wajahaya isbeddelka cimilada iyo kordhinta heerkulka adduunka. Dowladaha adduunka ayaa heshiis la galay in la yareeyo qiiqa kaarboonka iyo in la sameeyo tallaabooyin loo baahan yahay si loo gaaro yoolka ilaalinta cimilada ee waara.
- Heshiiska Basel (1989): Heshiiskan wuxuu mamnuucay dhoofinta iyo dhoofinta qashinka sunta ah ee wadamada saboolka ah, waxaana uu dhiirrigeliyaa maaraynta iyo dib u warshadaynta qashinka si loo yareeyo wasakheynta deegaanka ee gobolka.
Caqabadaha guud ee caalamiga ah:
Haddaba, si loo hubiyo in sharciga deegaanka uu guuleysto, waxa daruuri ah in la tixgeliyo qaar ka mid ah caqabadaha jira:
- Iskaashiyada Caalamiga ah ee Aan la taabo geln: In kasta oo ay jiraan heshiisyo iyo xeerar caalami ah, haddana waxaa dhici karta in dowladuhu ay ka baqaan in la dhaqan geliyo sharciga ama ay isha ka eegaan dhibaatooyinka dhaqaalle ee ka dhasha hirgelinta xeerarka deegaanka.
- Lacag-xumo iyo Awood La’aan: Wadamada qaar ayaa la daala dhacaya dhaqaale xumo, taas oo ka dhigaysa in ay si hufan u hirgeliyaan sharciyada deegaanka. Haddii dowladuhu aysan helin taageero ku filan, waxaa laga yaabaa in sharciga deegaanka aanu noqonin mid waxtar leh.
- Dhibaatooyinka Cimilada: Isbeddelka cimilada ayaa noqday mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee saameeya dhulka. Si kastaba ha ahaatee, xeerarka iyo siyaasadaha jira waxaa laga yaabaa in ay aad u liitaan marka loo eego saameynta isbeddelka cimilada ee sii kordhaya gu’yaashii ugu dambeeyey.
Doorka Shaqsiyaadka iyo Bulshada
Ilaalinta deegaanka kuma koobna oo kaliya dowladaha iyo hay’adaha waaweyn, se qof walba waxa uu leeyahay door muhiim ah. Bulshooyinka iyo shaqsiyaadka waxay qaadi karaan tallaabooyin ay ku taageerayaan sharciyada deegaanka:
- Dib-u-warshadaynta: Isticmaalka waxyaabaha dib loo warshadayn karo waxay yaraynaysaa qashinka iyo wasakheynta.
- Dib-u-beerista dhirta: dadku waxay ka qayb ka qaadan karaan ololayaasha dhireynta si loo kordhiyo keymaha dabiiciga ah.
- Wacyigelinta: Bulsho kastaa waxay isku baraarujin karaan muhiimadda sharciga deegaanka iyo saameynta taban ee waxyeellada lagu hayo dabeecadda.
Gunaanad: Ilaalinta Deegaanka Waa Mas’uuliyad la wada huran yahay
Sharciga deegaanka wuxuu fure u yahay timmaado barwaaqo leh oo loo aayo. Waa halbeeg sharci ah oo u baahan iskaashi caalami ah, wacyi bulsho, iyo mas’uuliyad shaqsiyeed.
Haddii sharciyada deegaanka si dhab ah loo dhaqan geliyo, waxaa la xaqiijin karaa in dhulku sii ahaado mid nabad qaba oo ay ku badhaadhaan jiilasha maanta iyo kuwa dhallan doona.
Meeraha dhulka waa mid kaliya oo aan lahayn beddel. Waa mas’uuliyaddeenna in aan xil la iska saarno, si aan u hanano badbaado dabiici ah. Sharciga deegaanka waa difaaca dhulka oo dhan – waana tigaad aynnu wada leenahay hadddeynnu nahay aadamaha.