Mirror Lake Reflecting Wooden House in Middle of Lake Overlooking Mountain Ranges

ARAR

Muxubadda soo jireenka ah ee aan ku qaadey da’yar ahaan ee ku saabsan u boholyoobida goobaha dabiicadda Alle ku maneystay— ayaa xaqiiqdii igu dhalisay in aan wax ka qoro, isla jeerkaasna xus iyo weyneen ku milgo doorranaanta bilicda deegaanka. 

Waxaa aan sinnaba u illaaweyn waqtiyadii naqa, oo uu cosobka soo baxi jirey, sidii  annaga oo barbaar ah inta aannu kubad qaadanno aannu ugu soo dheeli jirney goobahaas— waxa kale oo jirtey in ani iyo jaalleyaashey intaan dhowr isku raacno magaalka ka baxno xiliiyadda roobabku ay curtaan oo lugeyno, oo mararka qaar shaah ku karsano geed xamari leh! 

Isku soo wada duub, dabiicaddu waxa ay lama huraan u tahay nolosha aadmiga—taa oo u horseeda dareemaha ka la jaadka ah ee ay ka mid yihiin nabadgelyo, farxad, iyo nasasho. Haddaba akhriste aniga oo aanan ku talax tegeyn ararta aan u sii daadego mucda qormadan:

Xasillooni Maskaxeed

kolka aad socod ku tagto keymo cagaaran ama buuraha, dareenka walbahaarka iyo culayska shaqada (waa haddaa shaqeyso ee) waxaa aad ku war helin isaga oo libdhay, isla jeerkaasna culeyskaasi ka degey. Waxaa la ogaaday in dabiicaddu ay tahay daawo dabiici ah oo qofka ku taakuleysa in uu si balaadhan xasillooni iyo mabsuud u dareemo. 

Daraasad uu sameeyay Machadka EEG (Electroencephalogram) ayaa muujisay in dadka ku nool meelaha dabiiciga ah uu hoos u dhigmo heerarka qulubka (stress-ka) marka la barbar dhigo kuwa ku nool magaalooyinka buuqa badan.

Cilmi-baaris lagu daabacay Journal of Environmental Psychology waxay xustay in xitaa daawashada sawirada dabiicadda ay sare u qaaddo heerka farxadda. Dabiicadda waxay leedahay awoodda maskaxda ka joojisa fikirrada aan wanaagsaneyn, taas oo keenta dareen farxad iyo degannaan. Sidaa darteed, marka qofku uusan lahayn waqti uu dib ugu laabto dabiicadda, waxaa laga yaabaa in uu dareemo culays maskaxeed oo sii kordhaya!

Ku Xidhnaanta Dabeecadda iyo Caafimaadka Jirka

Dabiicaddu sidoo kale, waxay door muhiim ah ka ciyaartaa caafimaadka jirka. Cilmi-baarisyo badan ayaa xoojinaya in joogitaanka goobaha bilicsan ay  nidaamka difaaca jirka iyo shaqada wareegga dhiigga faai’ido u leeyihiin. Tusaalle ahaan, waxaa la xaqiijiyey in socodka joogtada ah ee meelaha cagaaran sida beeraha iyo kaymaha uu yareeyo halista cudurrada wadnaha, dhiig karka, iyo xanuunada kale ee la xiriira kororka cadaadiska dhiigga.

Silhouette Photography of Person Standing on Green Grass in Front of Mountains during Golden Hour

Sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay dalka Japan oo ku saabsan “Shinrin-yoku” (jawaabta caafimaadka ee socodka kaynta), dadku waxay muujiyeen in la ga baaqsadey heerarka cadaadiska dhiigga iyo cortisol-ka (hormoonka stress-ka) kaddib kolkii ay qabatimeen ku-socodka goobaha dhaayaha u roon ee dabiicadda. Waxa kale oo la ogaaday in dadka inta badan ku nool magaalooyinka aysan fursad u helin in ay ku noolaadaan meelaha cagaaran, waxaynna u nugul yihiin dhibaatooyin caafimaad oo la xiriira nafsiga iyo jireed labadaba.

Xusuusinta Asalka Aadanaha

Dabiicaddu waxay na xasuusisaa halka aynnu ka nimi iyo sida aan ula jaanqaadno dunnida innagu xeeran. Aadamuhu muddo kumanyaal sanno ah ayuu ku noolaa deegaanno dabiici ah, isagoo noloshiisa iyo baahiyihiisa ka daboolan jiray dabiicadda. Waxaa la dhihi karaa in qofka ay weli ku xidhan tahay nature-ku, inkasta oo aan u guurnay magaalooyin casri ah oo leh tignoolajiyad sare. Ammintan aynnu ku suganahay oo dadku deegaamayeen magaalooyinka, waxaa hubaal in ay nusqaan gashay booqashadda dhulka dooga leh oo sabo-deegaanka ah dabiiciga ah. 

Bil matal, Prof. Richard Louv, oo qoray buugga “Last Child in the Woods”, wuxuu sheegay in “cudurka ka go’doominta dabiicadda” uu noqdey wax ku dhex baahsan carruurta maanta, iyadoo ay ku yaraatay in ay waqtigooda ku qaataan banaanka. Carruurta dabiicadda la geeyo waxay dheefaan korriin wanaagsan oo dhinaca caafimaadka ah iyo maskax furnaan ka cuddoon kuwa magaalka la gu barbaarshey oo An dhinacna u ga bixin

Hal-abuurka iyo Maan godlanaanta

Person in Brown Coat Holding White Book

Dabiicaddu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa kobcinta hal-abuurka. Marka qofku ku dhex jiro deegaanka dabiiciga ah, maskaxdiisa waxay fursad u heshaa in ay si xor ah u fikirto, taas oo ah sababta ay dadka farshaxanada iyo qoraayaasha ah mararka qaar u doortaan in ay shaqadooda ku qabtaan meelo dabiici ah. Daraasad lagu sameeyay Stanford University ayaa tibaaxdey in dadka marar badan ku qaatay waqti dabiicadda ay xuseen horumar la taaban karo oo dhinaca hal-abuurka ah, marka la barbar dhigo dadka ku sugan xafiisyada iyo guriga.

Waxaa kale oo ogaal loo yeeshay in joogitaanka dabiicadda ay ka caawiso dadka in ay si fiican diiradda u saaraan hawlaha muhiimka ah, taas oo daruuri nolosha shaqada iyo waxbarashada. Xorriyadda ay maskaxdu ku hesho dabeecadda ayaa sidoo kale ku riixda in qofku ka fekero xalal cusub oo dhibaatooyin nolosha ah.

Dhowrista Deeganka iyo Tudhaalaha

Dabiicadda iyo waxa ku nool waa dhaxal aadanuhu u leeyahay in uu ilaaliyo. Marka qofku dabiicadda jeclaado, waxaa kashiisa degaa dareen ku saabsan  illaalinta deegaanka. Cilmi-baarisyo badan ayaa tilmaamaya in dadka dareenka u leh dabiicadda ay si firfircoon uga qeyb qaataan daedaallada lagu badbaadinayo deegaanka, sida dhireynta, illaalinta duur-joogta, iyo dhimista qashin-soo-saarida.

Gu’yaashii dambe, waxaa sare u kacay fahamka ahmiyadda dabiicadda—iyada oo ay soo baxeen qorshayaal la gu badbaadinayo nabaad-guurka dhirta, duufaannada, iyo isbeddelka cimilada. Sida ay sheegtay Hay’adda World Wide Fund for Nature (WWF), waxa muhiim ah in qof kasta uu door ku yeesho dhowrista iyo tudhaalaha deegaanka, sababtoi ah dabiicadda waa  isha ugu muhiimsan ee aan ka helno oksijiin, biyo nadiif ah, iyo caafimaadka guud ee meeraha.

Wadajir iyo Bulsho-nimo: Isku-xirnaanta Dadka iyo Deegaanka

Dabiicaddu waxay sidoo kale xoojin kartaa isku-xirnaanta bulshada iyo dareenka wadajirka. Marka dadku si wadar ahaan ugu hawl-galaan hawlaha dabiicadda sida dib-u-beerista dhirta (reforestation), ilaalinta deegaanka, ama barashada deegaanka noolaha, waxay abuuraan dareen isku xirnaan iyo iskaashi. Meelaha dabiiciga ah waxay soo jiitaan bulshada oo dhan, iyagoo dadka u oggolaada in ay wadaagaan waayo-aragnimo iyo nasasho laxaad leh!

Daraasad laga sameeyay Australia oo lagu daabacay International Journal of Environmental Research and Public Health ayaa xustay in bulshada wadajir uga qeyb qaadata daryeelka dabiicadda ay tahay mid horseed u noqota sareedada abuurista mujtamaca isku muraad ah! 

Guntii iyo gunnaanadkii

Jamashada aan u qabo nature-ka— wuxuu ku saleysan yahay sida qotada dheer ee ay ugu lammaantahay hab-nololeedka aadanaha iyo sida ay u kobciso nolosheena maskaxeed, jireed, iyo bulshada dhexdeeda. Dabiicaddu waa macallin, waa il caafimaad, waa kobciye hal-abuur, waxaynna noo tahay meesha ugu wanaagsan ee aan ku heli karno fikirro qotodheer oo nolosha la xiriira.

Haddaba akhriste, ma xasuusataa goobo dalxiis oo aad booqatey oo illa hadda aad jecleysato in aad dib ugu laabato?

5 1 vote
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
Scroll to Top