Gobolka Sanaag, oo ku yaalla waqooyiga-bari ee Soomaaliya, wuxuu caan ku yahay bilicdiisa la gu majeerto iyo dhaxalkiisa dhaqameed ee hodanka ah. Hase yeeshee, caqabado badan ayaa ku geedaaman horummarka gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; baahida loo qabo kaabayaasha  illaa dhibaatooyinka deegaanka iyo adeegyada bulshada oo ah ku xaddidan—inkastoo awoodda horummarineed ay weyn tahay gobolka, se weli lama soo bandhigin. Nidaamyada Macluumaadka Juqraafiga (GIS), waxa uu arrimahaas  u yahay xal la gu furdaaminayo caqabadahaaas, sidaas awgeed waxaan u sii guda gelin faahfaahinta mawduucan isaga ah.

Mid ka mid ah adeegsiyada ugu waaweyn ee GIS ee gobolka Sanaag, waxa uu noqon qorsheynta magaalooyinka iyo horummarinta kaabayaasha. Tiknoolojiyadda GIS waa mid la ga helayo khariidaynta faahfaahsan iyo falanqaynta kaabayaasha jira, iyadoo la aqoonsanayo meelaha u baahan horummarinta. Tusaale ahaan, Badhan, maamulka degmada waxay ka faa’iideysan karaan GIS si ay u qorsheeyaan waddooyin cusub, waddooyin hore u jirey sii hagaajintooda, iyo adeegyada bulshada sida biyo iyo koronto. Khariidado sax ah oo muujinaya baahida deegaameed iyo kororka dadka ayaa ahmiyaddeeda leh oo aan la ga baaqsan karin.

Gobolka Sanaag wuxuu leeyahay kheyraad dabiici ah oo hodan ah sida dhulka daaqsinta, dhirta, iyo macdanta. GIS waxay siin kartaa aalado lagu maareeyo kheyraadkan sidii ay u sii waari lahaayeen. Tusaale ahaan, iyadoo la adeegsanayo sawirrada dayax-gacmeedka iyo xogta dhulka, waxaa suurtagal ah in la abuuro khariidado muujinaya meelaha ku habboon daaqsinta iyo beeraha, iyo sidoo kale meelaha u baahan illaalinta iyo dhowrista deegaanka. Tan waxaa ku jira illaalinta kaymaha la jaro iyo keydinta biyaha, taas oo lama huraan u ah deegaanka gobolka.

Gobolka Sanaag wuxuu si joogto ah ugu nugul yahay masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha. GIS waxay door muhiim ah ka ciyaari kartaa maareynta masiibooyinka iyo kaalmada bani’aadamnimada. Tusaale ahaan, iyadoo la adeegsanayo GIS, waxaa suurtagal ah in la sameeyo khariidadaha halista ah ee muujinaya goobaha ugu nugul abaaraha iyo fatahaadaha. Tan waxaa ka faa’iideysan kara hay’adaha samafalka iyo dowladdu si ay si dhaqso ah u bixiyaan kaalmo degdeg ah oo wax ku ool ah, iyagoo hubinaya in gargaarka la gaarsiiyo meelaha u baahan.

GIS sidoo kale waxa uu gacan ka geystaa horummarinta adeegyada caafimaadka iyo amniga dadweynaha ee gobolka Sanaag. Adeegyada caafimaadka, GIS waxa uu abuuri karaa khariidado muujinaya xarumaha caafimaadka, iyo sidoo kale aagga ay ka yimmaadaan bukaannadu— taas oo horseedaysa qorsheyn wanaagsan oo loogu talagalay adeegyada caafimaadka iyo hagaajinta helitaanka daryeel caafimaad oo tayeysan. Dhinaca amniga dadweynaha, GIS waxay ka caawin kartaa khariidaynta meelaha ay ka dhacaan dembiyada iyo khilaafaadka, tani waxaa ay u sahleysa ciidamada ammaanka in ay si wax ku ool ah u qorsheeyaan tallaabooyinkooda amniga.

Iyada oo la adeegsanayo GIS, gobolka Sanaag waxaa uu libin ka gaari karaa dhinacyo badan oo doorranaantooda leh. Si kastaba ha noqotee, waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin sida hellitaanka xog sax ah, in la tababaro xirfadlayaal GIS ah, iyo hanashada kaabayaasha tiknoloojiyadda. Horummarku waa suurtagal, haddii la isku daro dedaallada hay’adaha maxalliga ah, dowladda, iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

GIS waxay si mug iyo miisan leh ugu geysan kartaa hor-ukaca gobolka Sanaag ee Soomaaliya. Waxaa la ga helaa aalado wax ku ool ah oo u diyaarsan qorsheynta magaalooyinka, maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, ka jawaabista masiibooyinka, iyo hagaajinta adeegyada bulshada. Iyada oo laga faa’iideysanayo habsamida GIS, gobolka Sanaag wuxuu qaadi karaa tallaabooyin waaweyn oo ku wajahan horummar waara iyo mustaqbal la wada mahadiyo.

3.7 3 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
6 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
Mohamed A Awad

Waa article kooban oo muujinaya faham iyo macne Sal balaaran.
GIS Saddexda baahiyood ee hada ka taagan gobolka Sanaag ee kala ah, helida wado ama wadooyin, soo saarida biyaha dhulka hoostisa ku jira ama maareynta kuwa dusha saaran ee roobabka, iyo waliba dahabka oo dhibaato badan lagu qabo wuxu ka geysan Karaa horumer wayn. Sido kale wuxu ka qayb qadan Kara qaabeynta magaloyinka, korontada iyo waliba caafimadka.
Thank you Hamouri.

Abdullah Jama Abdi

Gis waa cilmi wanaagsan mar hore ayan kaga shaqayn jiray wadanka UAE, wax badan oo faa’ iido buu u leeyahay horumarinta magaalooyinka, wadoyinka, Elecricity, biyaha Iwm. Waa in dhalinyaro loo tababaraa

Nihaal

Waa qormo runtii wacyi sare leh mahadsanid wll

6
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
Scroll to Top